DHAGEYSO: Guddoomiye Fiidow “Cid xirtay ma jirto Ibraahim Madoobe”

Jalalaqsi-RisaalaFM- Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiran ayaa waxa uu sheegay in la xaliyay khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadaasi.

Waxaa soo baxay warar sheegayay in la xiray Guddoomiye ku xigeenka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Ibraahim Madoobe uur.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow oo la hadlay warbaahinta Risaal ayaa sheegay in aysan jirin cid xirtay Guddoomiye ku xigeenka Degmada Jalalaqsi.

Waxa uu sheegay Maxamed Cabdulle Fiidow in isfahan waa yar uu soo kala dhexgalay Saraakiil ka tirsan Ciidanka AMISOM iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Jalalaqsi, lana xaliyay markii dambe.