DHAGEYSO: Puntland oo digniin adag u dirtay Wadayaasha Gawaarida Gaalkacyo

Taliyaha ciidanka  Booliska ee gobolka Mudug  ee maamulka Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaal culus uusan ka jirin magaalada Gaalkacyo , islamarkaana dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay is dejiyaan oo ay joogaan magaalada.

Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame ayaa digniin adag u diray wadayaasha Gaadiidleyda ee kunool gobolka Mudug oo uu ku eedeeyay in ay been u sheegayaan dadka shacabka ah , islamarkaana ay barakicinayaan.

Taliyaha ciidanka  Booliska ee gobolka Mudug  ayaa sheegay gaarigii lagu soo qabto isagoo dad ka qaxinaya magaalada Gaalkacyo in ganaax iyo Xarig layskugu darayo , islamarkaana ciidanka ammaanka ay talaabo adag ka qaadi doonaan.