Garowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa ugu baaqay Howlgalka Amniga Baddaha ee Midowga Yurub in ay gacan ka geysto sidii wax looga qaban lahaa kalluumaysiga sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa caalamka u sheegay in Puntland kaligeed aysan ku filnayn inay wax ka qabato dambiyada abaabulan ee lagu hayo xeebaheeda, sida uu sheegay.
Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa sheegay Howlgalkan in uu waxyaabo badan ka tari doono xeebaha Puntland, laakiin ay u dulqaadanayaan mudo, maadaama Howlgalka uu cusub yahay.
Howlgalka Amniga Baddaha ee Midowga Yurub ayaa maalintii shalay si rasmi ah xafiis uga furtay Magaalada Garowe, xafiiskaas oo la sheegay inuu Puntland ka caawin doono soo saarida sharciyo lagu ilaalin doono Badda.


