DHAGEYSO: Odayaal ka socda Hiiraan oo gaaray Jowhar

Xilli uu wareysi siinayay Idaacadda Risaala gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada gobolka Hiiraan oo ku sugan magaalada Jowhar Sheekh Xuseen Cismaan Cali ayaa waxa uu ka hadlay Odayaal ka socda gobolka Hiiraan oo maanta gaaray Jowhar.

Waxaana dhanka kale uu sheegay in Odayaashan ay yihiin kuwii madaxweynaha Soomaaliya kulamada uu la qaatay, iyadoo oo uu sheegay in maamlinta bari ahna ay imaanayaan Jowhar waxgarad kale oo Hiiraan ka soo jeeda.

Ujeedada waxgaradkan ya ugu qul qulayaan ayaa ah sidii loo amba qaadi lahaa shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay taalo Jowhar.