DHAGEYSO: Natiijada Doorashada Aqalka Hoose ee Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Waxaa maanta Magaalada ka dhacday Doorashada Aqalka Hoose oo aheyd hal kursi ayaa waxaa ku tartamay saddex Musharax oo kala ah:-

  1. Maxamed Axmed Abtidoon
  2. Aadan Cusmaan Cali
  3. Ubax Axmed Warsame

Sidoo kale waxaa goobta Doorashada ka maqnaa Caasho Xaaji Cilmi iyo Mahdi Cumar Muumin oo qeyb ka ahaa xubnaha ku tartamayay Halkan kursi.

Doorashada ayaa ku soo idlaatay hal wareeg, waxaana codeyey 51 ergay, sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashooyinka.

Maxamed Axmed Abtidoon ayaa ku guuleystay kursiga Baarlamaanka isagoo helay 41 cod, halka Aadan Cusmaan Cali uu helay 6 cod, Ubax Axmed Warsame 2 cod.

Doorashada Aaqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado ayaa waxaa ka harsan 7 kursi, waxaana la qorsheynayaa in maalmaha soo socda la soo afmeero.