Nabadoon C/raxmaan Sheekh C/dulle Idiris oo ka mid ah nabadoonada gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ilaa hada ay fahmi la yihiin nidaamka ay Dowlada ku maamuleyso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Waxa uu sheegay in jahwareer uu ka taagan yahay qaabka ay Dowladu ku maamuleyso shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Sidoo kale Nabadoon C/raxmaan Sheekh C/dulle Idiris ayaa sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in ay tagaan Jowhar oo ay ka qeyb galaan shirka.
Waxa uu xusay in cidii tagtaa Jowhar aysan matalin Reer Hiiraan isla markaana sida uu sheegay ay yihiin kuwa dan gaara wata.
Labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa waxaa magaalada Jowhar ku qul qulaayay odayaal iyo Waxgarad ka socday sida la sheegay magaalada Baladweyne, waxaana jira weli Odayaal kale oo diidan iney tagaan Jowhar.
Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dadaalaya sidii loogu mira dhalin lahaa dhismaha maamulka loo sameynaya Hiiraan iyo Sh/Dhexe.


