DHAGEYSO: Nabadoon Xaad oo baaq u jeediyay Puntland

Iyadoo dhawaan maamulka Puntland ay ku dhawaaqeen in ay xireen xuduudka ay la wadaagaan Koonfurta Soomaaliya ayaa arintaas waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay qeybaha kala ee bulshada Soomaaliyeed.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Afhayeenka odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay tahay wax lagu xumaado in Soomaaliya dhexdeeda xuduudaha la kala xirto.

Nabadoonka ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay si deg deg ah ku furaan xuduudka madaam uu sheegay in Gawaari badan oo laga leeyahay koonfurta ay ku xayiran  yihiin deegaanada maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in ganacsigu uu xoryahay , islamarkaana Puntland looga baahan yahay in ay ka laabato go’aankii ay qaadatay.

Dhawaan maamulka Soomaaliyeed Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay xireen dhammaan xuduudaha ay la wadaagaan Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliyeed Sababo la xariira dhanka Amniga.