Ciidamada Nabad suggida gobolka Gedo ayaa degmada Baledxaawo kusoo bandhigay labo ruux oo ay sheegeen in ay ka ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo sidoo kale hubkii ay wateen.
Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Abshir Xasan Deera ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Nabad suggida labada ruux ay kusoo qabteen howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen degmada Baledxaawo.
Xariga labadaan qof ayaa yimid ka dib markii ay Bam ku weerareen Guri uu degan yahay Nabadoon ka mid ah kuwii soo doortay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Abshir Xasan Deer ayaa sidoo kale xusay in raggaasi ay ku xiran yihiin Xabsiga ,islamarkaana ay baaritaan ay ku sameyn doonaan.


