DHAGEYSO: Naafada Soomaaliyeed oo dalbaday in xuquuq Dastuuri ah laga siiyo DF

Muqdisho-RisaalaFM- Kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Daryeelka Naafada (DWF) oo ay ka qayb galeen qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Culamaaa`udiinka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Bulshada Naafada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay guud ahaan xaaladda naafada Soomaaliyeed gaar ahaan sida ay u heli karaan xuquuq Dastuuri ah Naafada Soomaaliyeed.

Haya’dda Daryeelka Naafada Soomaaliya ayaa halkaasi ku soo bandhigtay muuqaallo iyo warbixino ku saabsan xaaladda Naafada Soomaliyeed iyadoo ka qayb galayaashana ay halkaasi ku soo bandhigeen sida Naafada ay u heli karaan xuquuqda iyo daryeelka ay ku leeyihiin bulshada ay ku dhex nool yihiin iyo Dowladda Soomaaliya.

Gudomiyaha Hay’adda Daryeelka Naafada (DWF) ayaa Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Qaran iyo heer dowlad gobaleed ku booriyay inay il gaar ah ku hayaan Naafada Soomaliyeed ee saameysay Abaaraha ka jira dalka, kuwaas oo u nugul dhibaatooyinka Abaaraha.

Ugu dambeyn kulankaas ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban Saddex qodob oo baaq loogu diray Dowladda Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed taasi oo ku aadan in meel looga soo wada jeesto Daryeelka, Difaaca iyo Udoodista xuquuqda Naafada Soomaaliyeed sida uu warbaahinta u sheegay Guddomiyaha Hay’adda Daryeelka Naafada C/fitaax Maxamed Daahir.