DHAGEYSO: M/weynaha Hirshabeelle oo ka hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Hoose

Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in markasta Maamulkiisa uu ka go’an yahay ilaalinta koontada Haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Dowladda soo socota.

Waxa uu sheegay in Aqalka Sare ay ku muujiyeen Doorka Haweenka ay ku leeyihiin kuraasta Aqalka Sare ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa Odayaal dhaqameedyada iyo Ergooyinka soo dhisaya xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay in ay ku muujiyaan Doorka Haweenka ay ku leeyihiin kuraasta Aqalka Hoose.

Xalay ayaa waxaa soo idlaatay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle, waxaana la doortay 8 xildhibaan oo ka mid noqonaya xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle.