DAAWO SAWIRADA: Banaanbaxyo ka socda Mareykanka

USA-RisaalaFM- Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka socda Gobolada Dalka Mareykanka.

Bannaanbaxyadan oo ay hogaaminayan dhalinyaro arday u badan, ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii ka bilowday magaalooyinka New York, Washington, Boston, Chicago, Berkeley, Pittsburgh,
Portland, Austin iyo Nashville.

Bannaanbaxayaasha, ayaa waxay ka careysan yihiin hadaladii uu Donald Trump jeediyay, intii uu ololaha ugu jiray Xafiiska Aqalka Cad ee Mareykanka.

 

1q 2q 3q 4q 5q 6q 7q 8q