DHAGEYSO: M/weynaha Galmudug “Xabad joojin ayaa laga gaaray Dagaalka Gaalkacyo”

Cadaado-RisaalaFM- Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo iyo xabad joojinta laga gaaray Dagaalka Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in qadka telefoonka uu kula hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo dhaqan gelin lahaa xabad joojinta Gaalkacyo.

C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale sheegay cidii jabisa xabad joojinta Gaalkacyo in ay qaadi doonto Mas’uuliyada dhibaatada halkaasi ka dhalata.

Maalinimada Jimcaha ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah, kaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madaxda labada dhinac iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.