DHAGEYSO: Muuse Biixi” Dhibaato ayaa ka taagan dowladda Farmaajo”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku maraya degaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay doonayso in ay Soomaaliya meelkaste oo ka mid ah ay dabka shido.

Muuse Biixi waxaa ku eedeyay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay shaqsiga kaliya ah ee Soomaaliya maanta kala qeybiyay, islamarkaana siyaabooyin gooni gooni ah uu u weerarayo Magaalooyinka Soomaaliya.

“Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeeraysa aad maqlaysaan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo dad Shacab ah kula hadlaayay gobolka Sanaag ayaa sidoo kale tilmaamay in ay diyaar u yihiin nabad buuxda oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya,laakiin ay is difaaci doonaan haduu sii socdo duulaanka Madaxweye Farmaajo.

“Wuxuu yiri Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino ” ayuu yiri Markale Madaxweynaha Somaliland.