Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Miino ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal Labo Qarax oo ah Nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay degaanka Daarulsalaam ee Muqdisho.

Qaraxa Koowaad waxaa lala eegtay Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ku dhaawacmay 3 Askari.

Qaraxa labaad ayaa sidoo kale ka dhacay Wadada Jeneraal Daauud, waxaana la sheegay in uusan geysan wax Khasaaro ah, uuna ka dhacay meel wadada Hareerteeda ah.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale Risaala u xaqiijiyay in Qaraxyadda ka dib Wadada Generaal Daauud ay yimaadeen Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa wadda Baaritaano ku aadan Qaraxyaddaasi lagu Aasaasay wadada dhinaceeda.