DHAGEYSO: Muqdisho oo laga xusay maalinta Qaaxada Aduunka “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay Munaasabad lagu xusayay maalinta Qaaxada Aduunka, taasi oo sanad walba la xuso Taariikhda marka ay tahay 24-ka Maarso, balse maanta oo 06-da April ay tahay si gaar ah Muqdisho looga xusay.

Munaasaban oo aheyd mid kooban ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, xubno ka socday Hay’adaha Caafimaadka ee Degmooyinka Wadajir iyo Hodan, dadka qaar ee laga daaweeyay cudurka Qaaxada,  iyo marti sharaf kale.

Maxamed Siid oo ka mid ah Masuuliyiinta ka socotay Wasaaradda Caafimaadka, una qaabilsan arrimaha wacyigelinta TB-da ayaa sheegay sababaha Munaasabadaha lagu xuso Qaaxada loo qabanayo ay tahay in la yareeyo faafitaanka cudurkan.

Sahra Xuseen Cali oo Bariga iyo Bartamaha Soomaaliya u qaabilsan Cudurka TB-da ayaa sheegtay cudurka in uu yahay mid faafa, ahna cudur wax dila, sidoo kalena Daawo leh.

Dhanka kale qaar ka tirsan dadkii laga daweeyay CUdurkan ayaa sheegay markii hore in ay aamisanaayeen cudurkan in uusan Daawo laheyn, balse hada ay ogaadeen in uu Daawo leeyahay.

 

Qaaxada 1 Qaaxada 2 Qaaxada 3