DHAGEYSO: Mooshinkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo laga laabtay

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaaka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen in ay ka laabteen Mooshinkii ay horay uga keeneen Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin oo ka mid ah Xildhibaanadaasi ayaa Warbaahinta u sheegay in ay dib u lalaabteen Mooshinkii xilka looga qaadayay Madaxweyne Shariif.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in u jeedka loo joojiyay Mooshinka in ay tahay Abaaro daran oo ka jira degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa uu sidoo kale xusay in Madaxweyne Shariif in ay isla garteen in si hufan Bulshada loogu shaqeeyo ,islamarkaana la joojiyo Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo sidoo kale xildhibaanada.