DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay Wasiirada cusub

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Fursad la siiyo xubnaha cusub golaha Wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la taageero Wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay Wasiirada cusub , islamarkaana ay doonayaan in Waqti la siiyo Wasiirada cusub.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay kasoo horjeedaan Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya ,islamarkaana aysan meelmarin doonin.