DHAGEYSO: Maxkamada oo xukun dil ah ku riday askari dowladda ka tirsan

Maxkamada darajada Koowaad ee ciidmada qalabka sida ayaa maanta waxa ay xukun dil ku riday askari ka tirsan dowladda Soomaaliya kaas oo dil u geystay nin shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidmada qalabka sida dalka gaashaanle dhexe   Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay sida uu u dhacay xukunka, iyadoo dhanka kalana uu sheegay in maxkamada ay xarun ka furatay  magaalada Beydhabo taas oo ay ku shaqeyn doonaan.

Maalmahan magaalada Beydhabo waxaa ku sugnaa  Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidmada qalabka sida dalka dhexe   Xasan Cali Nuur Shuute iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda kuwaas oo howlo shaqo ujooga deegaano ka tirsan maamulka koonfur galbeed.