DHAGEYSO: Maxkamadda CXD ayaa xukuntay 6-ruux oo loo haystay dilkii Hindiya

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukun ku riday lix ruux oo loo haystay inay ka dambeeyeen dilkii loo geystay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo Sanadkii la soo dhaafay Bishii December lagu dilay qarax gaarigeeda lagu xiray.

Dadka Kiiskaan loo haystay ayaa tiradooda gaaraysa Lix ruux waxaana dhamaantood la horkeenay Maxkamada Ciidamada.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday lixdaan eedeysane ee loo haystay Dilka Wariye Hindiya Xaaji Maxamed.

1: C/risaaq Maxamed Baroow Cadoow 28 jir  waxa uu qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiya Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Halka 3 kamid ah lagu xukumay xabsi daa’in  halka labo kale lagu xukumay min shan sano oo xabsi ciidan ah  sidaa uu shegay gudomiyaha maxkamada.

Dhinaca kale gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegay in dadkan maanta xukunada lagu riiday ay qirteen danbiyada ay galeen.

Horay ayey nabad sugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliya ay uso bandhigtay in eedeysanayaashi maanta xukuumada lagu riday in ay ka danbeeyeen dilkii Wariye Hindiye Xaaji Maxamed.