Tiro Hoobiyaal ah ayaa ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Warta-nabadda iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya.
Hoobiyaal ku dhacay Xaafadda Caga dhiig ee degmada warta-nabadda ayaa waxaa ku dhintay 5 Ruux halka sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa 6 qof oo kale.
Waxaa sidoo kale jira Madaafiic kale oo ku dhacay isla degmada Warta Nabadda islamarkaana aan la ogeyn Khasaaraha ay Sababeen.
Afhayeenka maamulka gobolka banaadir C/fataax Cumar Xalane oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka warbixiyay tirada hoobiyaasha ah ee maanta lgu garaacay xaafado ka tirsan degmooyinka gobolka banaadir.
Waxaa dhanka kale afhayeenka uu sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan oo dadka shacabka ah halkaasi ku nool ay waxyeelo kasoo gaareen.
waxaana sidoo kale uu tilmaamay in madaxtooyada aysan u dhabeen hoobiyaasha la soo tuuray isagoo intaa ku daray in lagu raad joogo raggii ka dambeeyay falkan.


