DHAGEYSO: Maxkamada C.Q.S oo sheegtay in la maxkamadeynayo dadkii loo soo qab qabtay qaraxyadii Beydhabo

Maalmahan ayaa waxaa magaalada Beydhabo ka socday howlgallo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, iyadoo 28-kii Febraayo ee la soo dhaafay qaraxyo isdaba jooga ah ay ka dhaceen magaalada Beydhabo waxaana qaraxaasi uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaana intaa ka dib ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka koonfur galbeed oo iskaashanaya ay bilaabeen in ay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay qaraxyadaasi.

Gudoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ciidmada qalabka sida dalka gaashaanle dhexe   Xasan Cali Nuur Shuuti ayaa waxa uu ka hadlay dadka loo soo qab qabtay qaraxyadaasi.