Muqdisho-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay guushii Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Maamul Goboleedyada soo dhaweeyay Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah Maamulka Galmudug oo uu hoggaamiyo C/kariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxa uu sheegay in ay tahay wax lagu farxo in shacabka Soomaaliyeed ay is garabsadaan, isagoo intaa ku daray in arrintan ay tahay mid dareen gaar ah leh.
Sidoo kale Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay wax lagu farxo in ay tahay habkii mudada dheer socday ee Doorashada in uu ku soo gaba gaboobo si guul ah, sidoo kalena ku soo dhamaado si xasilooni iyo deganaansho leh.


