DHAGEYSO: Maxay aheyd sababta Gutters uu u yimid Somaliya ? “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Antonio Gutters ayaa maanta soo booqday Soomaaliya gaar ahaan Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, si uu ugu kuurgalo dhibaatada Abaaraha ah ee ku dhuftay dalka Soomaaliya.

Antonio Gutters oo ugu horeyn Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa waxa uu ku dhawaaqay in xilligan ay gar gaar u baahan yihiin dad gaaraya 6.2 Milyan oo Soomaali ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay ay ka wada hadleen Abaaraha xilligan ka jira Soomaaliya, wax ka qabashada ammaanka iyo doorka Beesha Caalamka.

Dhanka kale Antonio Gutters oo gaaray Baydhabo ayaa si gaar ah ugu baaqay in Soomaaliya loogu deeqo lacag dhan 825 Mliyan oo Dollar oo uu sheegay in loo baahan yahay in wax loogu qabto dadka dhibaateysan, isagoo sidoo kale hadlay hadafka uu ka lahaa booqashada Muqdisho iyo Baydhabo uu ku yimid.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay Antonio Gutters iyo wafidigiisa ay Baydhabo ay u yimaadeen sidii indhahooda ay ugu arki lahaayeen dadka Abaarta u dhimanaya.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Antonio Gutters ayaa balan qaaday in ay caawinayaan dadka Abaarta ay saameysay.

Macluul dhanka Abaaraha ah ayaa waxa ay ka jirtaa guud ahaan dalka gaar ahaan Degaanada Koonfur Galbeed oo ay Abaarta aad u saameysay, waxaana socda dadaalo dadkaasi lagu badbaadinayo.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad Gacal

 

unnsss-1

C6OElSdWQAAyC3G

C6TL_cBWgAIQiLY

Guters 1 Guters 2 Guters 3 Guters 4