Xog hayaha golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya C.Kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka shirkii maalmahan magaalada muqdisho uga socday gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo sidoo kale gudoomiyaasha baarlamaanada maamulada dalka ka jira.
Xog hayaha golaha baarlamaanka federaalka ayaa sidoo kale tilmaamay in shirka ujeeedadiisa ugu weyn ay ahayd sidii ay uwada shaqayn lahaayeen baarlamaanada, si ay isku fahmaan baarlamaanada oo ay isku xirnaadaan.
C.Kariin ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay dastuurkii hore ay tabaneesay balse waxaa uu sheegay in hada la joogo waqti cusub oo qof walba uu fikirkiisa uu ku biirin karo.
Dhowaan ayay ahayd markii uu shir magaalada caasimadda ee muqdisho uu ka furmay shir kaasoo ay ku kulmeen gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya iyo baarlamaanada maamul goboleedyada dalka waxaana maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada muqdisho.


