Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
Wafdiga uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, Dhalinyaro iyo xubno kale.
Safarka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku tagay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay tahay dhexdhaxaadinta maamulada Puntland iyo Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Puntland iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa wada Qaatay kulan looga hadlaayay amaanka magaalada Gaalkacyo.
Kulanka ka dib ayaa wariyeyaasha waxaa si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale Ra’iisulwasaaraha dalka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo sidoo kale horumarka magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu sidoo kale dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ugu baaqay in ay dagaalka Joojiyaan islamarkaana ay ka qeyb qaataan nabadeynta magaalada Gaalkacyo.
Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin in ka shaqeeyaan sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa maamulada Puntland iyo Galmudug.


