Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ciidamada dowladda iyom kuwa AMISOM ayaa saakay waxa ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa saakay weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen deegaanada Jacar iyo Dari oo ka tirsan gobolka Galgaduud.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ay gaareen deegaanadaasi oo ay ka saareen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Ciidamada ayaa waxa ay wadaan howlgallo lagu sugayo deegaanada Jacar iyo Dari, iyadoo Shabaabkii halkaasi ku sugnaa la sheegay in ay halkaasi isaga baxeen.
Ilaa iyo hada waxa aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay howlgalka saakay ay ciidamada dowladda kula wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Al-shabaab wali kama aysan hadlin la wareegitaanka ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay horey ugu sugnaayeen Al-shabaab.


