Ciidamada Ammaanka Maamulka gobolka Jubbaland ayaa xabsiga dhigay dhammaan Mas’uuliyiintii degmada Baledxaawo ee gobolka Gedo, sida Gudoomiyihii degmada iyo Kuxigeenadiisa iyo taliyeyaasha Ciidamada degmada Baledxaawo.
Mas’uuliyiintaan ayaa habeen hore waxa la sheegay in xabsi ku yaalla Magaalada Baledxaawo ay kala baxeen 4 dhalinyaro ah oo Shabaab ku eedeysanaa ka dibna ay kusoo dileen duleedka Magaalada.
Arrintaasi ayaa xiisad weyn ka dhalisay Baledxaawo , waxaana dadka degaanka ay walaac ka muujiyay in layska dilo qof aysan Maxkamad xukumin.
Waxaa Magaalada soo gaaray shalay gelinkii dambe , Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Jubbaland, waxaana ay go’aamiyeen in Mas’uuliyiinta degmada la xiro si loo dejiyo xiisada iyo kacdoonka Shacabka.
Ka dib kulan ay wada qaateen Waxgaradka degmada Baledxaawo iyo Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland, waxaa dadka magaalada loogu baaqay in xaaladda ay dejiyaan.
Nabaddoon Idiris oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada ayaa Risaala u sheegay in wali Magaalada ay ka taagan xiisad kacsan.



