Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta la kulamaya waxgaradka gobolka Hiiraan si uu ugu qanciyo iney ka qeyb galaan shirka ka furan magaalada Jowhar ee dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu doonayo in waxgaradka Hiiraan ka dhaadhiciyo ka qeyb galka shirka.
Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayuu sheegay inuu yahay isku xirka shacabka ku dhaqan labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Dhinaca kale afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha uu markale doonayo inuu la qeyb sado dhibaatada abaaraha ee ka jira deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.


