DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo baaq u diray Xubnaha Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Xubnha aqalka sare ugu baaqay iney muujiyaan awoodahooda.

Waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la muujiyo awoodaha Golaha aqalka sare ee baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay in hadii awoodaha ay leeyihiin aysan ku cadeyn Dastuurka dalka in ay ku daraan awoodahooda gaarka ah.

Waxa uu xusay in ay muhiim tahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamul goboleedyada dalka.

C/weli maxamed Cali Gas ayaa ku dheeraaday muhiimada aqalka sare uu u leeyahay Soomaaliya iyo fursadaha ay heystaan.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada dalka ay hortageen xubnaha aqalka sare isla markaana ay u jeediyeen khudbado ay ku sharaxaayeen xaaladaha degaanada ay maamulaan.