Madaxweweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay jiraan dad xilligaan faragelin ku haayo arrimaha Puntland,isaga oo digniin u diray.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad daneynaya inay wiiqaan horumarka Puntland,isla markaana kicinayaa Dhalinyaron,isaga oo sheegay inaysan aqbaleyn in dhalinyarada lagu kiciyo wax aan munaasab aheyn.
“Waxaan aad ugu digayaa dadka daneynaya inay wiiqaan horumarka Puntland ee dhalinyarada kicinaya,maha in dadka la hareer mariyo oo wax aan jirin loo akhriyo,shacabka waxaan leeyahay ilaashada midnimadiina ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaan sicad u sheegin dadka uu sheegay inay faragelinta ku hayaan Arrimaha Maamulkiisa ee uu digniinta u dirayo.
Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqda mid u jawaabaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo dhawaan Gaalkacyo kula hadlayay dhalinyaro soo dhaweysay uu sheegay inaysan dhici Karin in Shacab iyo dowlad in la kala dhex-galo.