Muqdisho-RisaalaFM- Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula qaatay Taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa kala hadlay sidii ay u sugi lahaayeen amaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Doorashada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay yeeshaan wada shaqeyn dhow inta lagu guda jiro Doorashada si looga hortago Dhagarta oo uu sheegay in ay maleegayaan ururka Al-shabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saraakiisha ciidanka kula dar daarmay in ay yeeshaan wada shaqeyn dhow si loo fashiliyo weerarada Shabaab ay la damacsan yihiin in ay umada ku dhibaateeyaan.
Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay balanqaadayaan in ay adkeeyaan Doorka kaga aadan amaanka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in mar walba ay muhiim tahay in wada shaqeyn dhow ay yeeshaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.


