Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa sheegay in dalku uu ka gudbay xilligii kala guurka ,islamarkaana uu yeeshay baarlamaan cusub.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaankaan cusub ay wax badan ay ka badalan yihiin baarlamaanadii Soo maray dalka , madaam ay yihiin kuwo laga soo doortay degaanadii ay ku matali lahaayeen dowladda Soomaaliya.
Baarlamaankan cusub ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Xasan in uu yahay baarlamaankii ugu dhalinyarada badnaa uguna dumarka badnaa baarlamaanadii dalka soo maray.
Madaxweynaha uu waqtigiiso dhamaaday Xasan Sheekh maxamuud ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub in ay noqdaan kuwo daacad ah oo ka shaqeeya horumarka iyo midnimada umada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Waxaa uu sheegay in dalku uu gaaray horumar la taaban karo ,madaam xildhibaanada cusub mid kaste oo ka mid ah ay soo doorteen 51 Ergo.


