Ganacsade ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray

Nin Ganacsade ah ayaa ka badbaaday qarax loogu xiray gaarigiisa oo ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Risaala in Qaraxa uu ka dhacay Agagaarka Hotelka Waaheen Ama maalin Taajir.

Qaraxa ayaa la sheegaya in uu ahaa miino lagu xiray kursiga uu fadhiisto darawalka.

Wax khasaare ah kama dhalan Qaraxaasi.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxa.