DHAGEYSO: Madaxweynaha Soomaaliya oo Fariin u diray Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa Fariin u diray dhalinyarada ku jirta Xarakada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhalinyaradaasi in ay kasoo baxay Al-Shabaab , islamarkaana ay kusoo biiraan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay xasuusnaadaan wax ay dilaan in ay yihiin Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa uu xusay hadii ay kasoo baxaan Al-Shabaab in loo sameyn doono dhaqan celin.

Dhowr jeer ayuu Madaxweyne Farmaajo uu baaq u diray dhalinyarada ku jirta Al-Shabaab ilaa iyo haddana ma jirto cid jawaab ka bixisay.