DHAGEYSO: Madaxweyne Siilaanyo”sare uqaadista garsoorka iyo cadaalada waa muhiim”

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa uu kulan la qaatay gudoomiyaasha maxkamadaha Soomaaliland.

Waxaana uu kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in sare loo qaado Garsoorka iyo sidoo kale Cadaalada,iyadoo uu intaa ku daray in dadka shacabka ahna si cadaadlad ay ku jirto loogu adeego.

Gudoomiyaha maxakamada maamulka Soomaaliland Aadan Xaaji Cali oo warbaahinta goobta kula hadlay ayaa waxa uu umahadceliyay madaxweynaha Soomaaliland isagoona sidoo kale ka hadlay waxyaabaha kulankaasi ka soo baxay.