DHAGEYSO: Madaxweyne Gaas oo ka digay in si qalad ah loo isticmaalo maskaxda caruurta

Garoowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ka digay in caruurta Soomaaliyeed loo adeegsado fikradaha qaldan, si caruurta aan loo dhumin mustaqbalkooda.

C/wali Gaas ayaa sheegay in fiiro gaar ah ay uyeelanayaan sidii ay uga hortagi lahaayeenn afkaaraha xagjirnimada ku saleysan ee lagu shubo Maskaxda caruurta.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in caruurta ay unugul yihiin in lagu shubo fikradaha qaldan taas oo uu ku sheegay in ay ka soo horjeedo Diinta Islaamka iyo sidoo kale Dhaqanka Suuban, isagoo tusaale u soo qaatay caruurta ay hada gacanta ku hayaan ee ay ku qabteen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada maamulka Puntland iyo Al-shabaab uu dagaal ku dhexmaray deegaano ka tirsan Puntland, waxaana xilligaasi maamulka Puntland uu gacanta ku dhigay caruur fara badan oo Al-shabaab Maxaabiis ahaan looga qabsaday.