Muqdisho-RisaalaFM- Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u muuqda mid u jawaabayay Hadal ka soo baxay Maamulka Soomaaliland, kaas oo ku aadanaa in iyaguna ay marti gelianayaan Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.
Madaxweyanaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in IGAD ay aqoonsan tahay Qaranka Soomaaliyeed oo kaliya, laakiin meel Soomaaliya in IGAD aysan ku shiri karin iyagoon Dowladda Soomaaliya fasax ka heysan.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed (Siilaanyo) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ka soo horjeedo dhamaan Qodobadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii IGAD.
Dhowaan ayay ahayd markii Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay kulan ku shireen Magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi ka soo qeyb galay Madaxda wadamada IGAD.


