DHAGEYSO: Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Qaran oo la saluugay

Muqdisho-RisaalaFM- Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo ka soo jeeda Deegaanada Soomaaliland ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha Wadatashiga Qaran kaas oo dhowaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Waxgarad iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Deegaanada Soomaaliland ayaa sheegay in ay saluugsan yihiin qaar ka mid ah Qodobadii ay ku heshiiyeen xubnaha ka qeyb galayay Shirkii Madasha Qaran.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in markii horeba ay ka soo horjeedeen Qodobadii Shirka, iyagoo sidoo kale sheegay in ilaa iyo hada aysan waxba iska bedelin Mowqifkoodii.

Xildhibaan Dr.Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Deeganada Soomaaliland oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay waxyaabaha ay ka tabanayaan in ay u gudbiyeen Dowladda Federaalka, sidoo kalena aysan jirin wax muuqda oo laga qabtay.