DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Deegaanka Moqokori

Iyadoo Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay shalay gelinkii hore isaga baxeen Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa soo baxaya warar dheeraad ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidanka Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay si toos ah uga bixin Deegaanka balse ay isbedel oo kaliya ay sameynayaan, waxaana gabi ahaanb ay ka tageen fariisimihii ay ku lahaayeen Deegaankaasi.

Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay la wareegeen Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan Wararkii ugu dambeeyay ee saakay inaga soo gaaraya Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo horey u joogay Duleedka Deegaanka.

Abaanduulaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Maxamed Cumar Cabdalla ayaa Risaala uga waramay arimahaasi.