DHAGEYSO: Madaxweynaha oo Codsi u diray Bulshada Soomaaliyeed

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan indhaha ka qarsan doonin dadka ay saameeyeen abaaraha ,islamarkaana dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada ay u fidin doonaan gargaar dadka dhibaateysan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa xusay in ay dhaqaalo iska aruurin doonaan Ganacsatada Soomaaliyeed, dowladda, iyo maamul goboleedyada si wax looga qabto abaaraha ka jira dalka.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay la imaan doono qorsho cad oo wax looga qabanayo abaaraha.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu Saameeyeen.