Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Guushii Soomaaliya ay kasoo hoysay Dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay ku bixisay Guushaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay la kulantay handadaad iyo Cagajugleyn intii ay socotay Dacwadda badda.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay taageeraan dowladda Soomaaliya ,islamarkaana ay garab istaagan.
Tilaabadda ay qaaday Maxkamadda ICJ ayuu waxaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo lagu faanikaro.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ oo fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, waxay ku dhawaaqday go’aan ay ka gaartay diidmada hordhaca ah ee 7-dii Oktoober 2015 ay Jamhuriyadda Kenya ka soo jeedisay dacwada badda ee ay Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku oogtay Kenya.
Jamhuriyadda Kenya waxaa ay diidmadeeda uga dalabtay Maxkamadda ICJ in ay caddeyso in aanay awood sharciyeed u lahayn in ay qaaddo dacwadda Soomaaliya ee ka dhanka ah Kenya, sidaa darteedna ay Maxkamaddu iska diiddo. Jamhruiyadda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay u gudbisay Maxkamadda ICJ dacwad 28 Agoosto 2014 iyada oo ka dalabtay in la asteeyo soohdinta badda ee labada dal.
shalay, Maxkamadda ICJ waxay go’aamisay in ay awood sharciyeed u leedahay kiiska MOU oo ay Soomaaliya ku dacweysay Kenya.