DHAGEYSO: Madaxda Puntland oo Amar cusub lagu soo rogay

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Saxaafada kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in aysan Aqbali doonin in Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay hub la galaan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso .

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland  Cabdulqaadir Faarax Shire ayaa sheegay in uusan Aqbali doonin cid aan aheyn Madaxweynaha ,Madaxweyne kuxigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka in ay hub la galaan Garoonka Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in laamaha amniga Puntland ay xaqiijiyeen ammaanka garoonka Diyaaradaha sidaas darteedna loo baahan yahay in ilaalada iyo hubka Madaxda Puntland ay uga soo tagaan banaanka Garoonka.

Waxaa uu sheegay in wareegto ay horay usoo saareen ay ku mamnuuceen in garoonka Hub lala galo.