Madaxweynaasaha Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kulankii ka dhacay dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay gaareen Heshiis horudhac ah oo la shaacin doona Marka ay yimaadaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Madaxweynaha Ahlusunna ayaa dhankiisa ayaa sheegay in qodobadda ay gaareen ay ka shaqeeynayaan midnimadda dadka gobolada dhexe.
Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta labada dhinac Heshiiskaan ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana lagu waddaa in si rasmi ah loo shaaciyo todobaadkaan Gudihiisa.
Laba dhinac ayaa imaan doona Magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmi doonaan Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya kadibna waxaa lagu dhawaaqi doono Heshiiska.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Risaala u xaqiijiyay in qodobaddii ay isku hayay labada dhinac badankood heshiis Horudhac ah laga gaaray.



