Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Xalay waxaa lagu qabtay Munaasabad oogu dabaal dagaayay Xuska Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15 May.
Munaasabada waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha baarlamaanka, Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka, Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya, Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Wasiir Ku Xigeeno, iyo qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool Muqdisho.
Fanaaniinta Kooxda Danan nee Wasaarada Dhalinyarada ayaa Munaasabada ku soo bandhigay Heeso lagu weyneynayo Xuska 15 May iyo Wadaniyada.
Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhalinyarada loogu baahan yahay in ay la shaqeeyaan Madaxdooda, kana shaqeeyaan hormarinta dalkooda.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan Madaxda Wasaarada Dhalinyarada si loo hormariyo dhalinyarada Gobolka Banaadir.
Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed “ Khadar “ ayaa Munaasabada ka sheegay in dadka Soomaaliyed iyo dhalinyarada loogu baahan yahay in ay la yimaadaan wada shaqeyn dhab ah oo ku saabsan Dowladda Cusub.
Waxa uu xusay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay ka shaqeeyaan midnimada iyo Cadaalada.
Ugu dambeyn Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dheeraaday ka qiimaha ay leedahay Xuska Maalinta Dhalinyarada 15 May, waxa uu sheegay in sanad walbo ay dowladiisa ahmiyad gaar ah siineyso.
Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda ay isla garten in maalinta 15 May laga dhigo Maalin Qaran oo dhamaan shaqaalahaDowladda la fasaxo.



