Inta la xaqiijiyay seddex Qof ayaa dhimatay waxaana la la’yahay Labo ka mid ah Booliska Kenya ka dib markii Weerar lagu qaaday degaan u dhow Magaalada Mandera.
Degaanka Weerarka lagu qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cumar Jilicow.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay Weerareen Saldhig ay leeyihiin Booliska Kenya ,islamarkaana ay Afduubteen Ciidamo ka mid ah Booliska Kenya,.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarkaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.
Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net



