Ciyaar lagu maamusayay maalinta 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada Somaliyed, ayaa lagu qabtay Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir.
Ciyaartaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Xamar weyne, ayaa waxaa looga gol lahaa is dhexgalka dhalinyarada iyo xuska Maalinta 15-ka May oo ku beegnayd shalay.
Gudoomiyaha Degmada Xamar weyne Siciid C/qaadir Siciid, Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xamar weyne Maxamuud Dheere iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay ciyaarta.
Maamulka Degmada Xamar weyne, ayaa sheegay inay ku dadaalayaan isdhexgalka dhalinyarada Degmada iyo kor u qaadista ciyaaraha.
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Xamar weyne, ayaa sheegay inay mar kasta qabanayaan kulamo looga gol leeyahay in dhalinyarada ciyaarahooda kor loogu qaado.



