DHAGEYSO: Wasaaradda Dhalinyaradda oo baaq u dirtay Madaxda dowladda

Wasiirka Wasaaradda dhalinyaradda iyo Cayaaraha dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la caddeeyo xuquuqda ay leeyihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in dhalinyaradda Soomaaliyeed xuquuqdooda uusan qeexeen dastuurka ,islamarkaana laga doonaayo Madaxda dowladda in ay ka shaqeeyaan sidii dhalinyaradda ay heli lahaayeen xuquuqdooda.

Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay in Wasaarada dhalinyaradda ay diyaar u tahay in ay hormariso dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Khadiijo ayaa sidoo kale xustay in dhalinyaradda Soomaaliyeed ay yihiin tiir dhexaadka Bulshada.

Hadalkaan ayay ka sheegtay Khadiijo munaasabad xalay ka dhacday Muqdisho oo loogu dabaal degayay maalinta dhalinyaradda Soomaaliyeed.