Xudur-RisaalaFM- Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegeen in wali ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Howlgalka ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM.
Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed ayaa waxa uu sheegay in hada ciidamada ay heegan buuxa ugu jiraan sidii ay uga hortagi la haayeen weerarada Al-shabaab laga cabsi qabo in ay geystaan Bisha Ramadaan.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada ay sii laba jibaari doonaan howlgalada inta ka harsan Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa maalmahan howlgalo kawadaan deegaano iyo tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.


