Alle ha u naxariisto Waxa Caawa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wariye Ismaaciil Sheekh khaliifa oo ahaa saxafi Rug cadaa ah oo muddo badan ka soo shaqeeyay warbaahinta.
Wariye Ismaaciil Sheekh khaliifa ayaa ayaa maalamaah ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho iyadoo oo uu dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xiray gaari uu watay oo muuddo ay ka soo waregatay dalka dibadana loo qaaday balse dhaawaca qaraxa oo muddo ay ka soo wareegatay ayaa la sheegy in uu u geeriyooday.
Marxuum Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ahaa Wariye Rug cadaa ah ayaa Agaasime ka soo noqday dhowr warbaahin.
Sidoo kalena, Waxa uu ka mid ahaa Macalimiintii wax ka dhigi jirtay Xarumo waxbarsho oo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Alle ha unaxaristee’ Marxuum Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa wxaa uu ka mid aha Madaxda dallada SOMA.
Agaasimha guud Warbaahinta Risaala Mudane Maxamed Cabdu wahaab Cabdullaahi oo ay isla soo shaqeeyeen Marxuum Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa ka sheekeeyay inta uu ka garanayo Taariikhda Wariye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo ku geeriyoody Magaalada Muqdisho.
Hoos ka Dhageyso Waraysiga Agaasimaha guud ee Warbaahinta Risaala:



