DHAGEYSO: Maamulka Universal Tv oo ka hadlay Dhaawaca Wariye Xamiid

Gaari Nuuciiso ahaa Filler oo uu lahaa Wariye Cabdixamiid Karazaay oo ka tirsan Tv-ga Universal ayaa Qarax  loogu xiray Gaarigiisa waxaa uu maanta ka dhacay degmada Xamar -weyne Gaar ahaan kasoo horjeedka Shaleemo Supper.

Qaraxa ayaa waxaa Wariyaha loogu xiray Kursiga uu Fadhiisto waxaana soo gaaray dhaawac Culus.

Sidoo kale labo qof oo goobta Marayay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

Dhaawaca Wariyaha waxaa la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Tv-ga Bariga iyo Bartaha Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Madiina ayaa waxaa uu sheegay in Wariyaha Xaaladiisa Caafimaad lala tacaalaayo.